Soomaaliga

2018

“Caqabdaha na horyaal waa kuwa aad u adag oo aan haddal lagu soo koobi karin. Intaan Trump hogaanka qaban ka hor, Minnesota waxaa ka sii jiray sinaan la’aan u dhaxaysa dadka cad iyo kuwa midabka leh. In badani iskama bixin karaan kirada guryaha, waxbarashada iyo ama daryeelka caafimaadka. Hadda Trump wuxuu shaydaan ku tilmaamay soo galootiga/qaxootiga, wuxuu kor u qaaday midab-takoorka, wuxuuna khatar ku yahay dimuquraadiyaddeena. Inaga oo isku duuban waxaan ka soo horjeedsan karnaa naceybkiisa , dhisi karnaa wax qof walba Minnesota u wanaagsan.”
Peter Wagenius

Peter Waa Kuma?

Peter wa shaqsi ku howlan adeega bulshada, galay ololayaal horumarineed kana shaqeeyay isu duwida bulshada – kuna bixiyay noolashiisa oo dhan.

Peter waa qof ku haminaya adeega bulshada si loo hagaajiyo nolosha dadka oo dhan. 16kii sanodood ka shaqeeyay dowlada hoose ee Minneapolis iyo 5tii sanadood Golaha sare ee Dimuquraadaga ee gobalka, hamiga Peter wuxuu ku guuleysiyay horumarinta caafimaadka dadweynaha, gaadiidka, kor u qaadida mushaarooyinka, xuquuqda shaqaalaha, tamar nadiif ah, jardiinooyin & maktabado, wadooyin si nabad ah loogu lugeeyo, ilaalinta deegaanka iyo waxyaalo kale oo badan.

Sidoo kale Peter wuxuu ka shaqeeyey tiyaatar waxbarasho oo bulshada lagu baro xirfado ay ka mid yihiin xalinta khilaafka, ka hortaga rabshadaha, la dagaalanka kufsiga noocyadiisa kala duwan, iyo meel dajinta caruurta waxbarashada caqabado ka heysataan.

Dadka Natiijo u Keene

Qof walba wuu sheegan karaa waxtarnimo. Laakiin Peter wuxuu leeyahay taariikh tilmaamaysa guulihiisa kaa soo ah isku xir isbahaysiyo keenay horumar la tilmaamay, sida

Peter wuxuu udub dhexaad ka ahaa:

  • In $15 ugu yaraan saacadii la siiyo shaqaalaha iyo fasaxa qofka xanuunsada oo lagu daray sharciyada magaalada Minneaplois.
  • Dhismaha tareenka khadka cagaaran, oo ay ka mid ahaa joojinta dacwadii ka dhan ahayd xarunta tareenku is taago ee Dhanka Galbeed (West Bank) oo ka faa’iideystaan Jaamicada, xaafadda u dhaw, iyo ganacsatada.
  • Horumarinta dhulka lagu lugeeyo si nabadgalyo ku jirto dhismaha Samatar Crossing.
  • Gudbinta Qorshahii Taariikhiga ahaa 20 sano ee 2016 si dib u dhis loogu sameeyo jardiinowinka iyo wadooyinka magaalada.
  • Mideynta nidaamka maktabadaha si loo soo celiyo sacadihii maktabadaha iyo maalgalin fadhida.

Wixii faah-faahin in taa dheer ka akhriso halkan: www.peterwagenius.org sidoo kale, wararkii ugu danbeeyay ee Peter kala soco warbaahinta iyo baraha bulshada.

Horudhac Sawirka Qoyska


Waa Peter iyo xaaskiisa Mandy oo loo tababaray bulsho u shaqeeyn hadana ka shaqeysa deeqbixinta. Waxay is guursadeen 2011. Waxay korsanayaan laba dooda gabdhood oo ay ta weyni jirto afar sano takalana sanad.